Maanta oo kale sanad ka hor ayaan u hoynay gurigiisa dhabta ah AUN Mujaahid, Walaal, Gacal & Shahiid Abdiaziiz Mohamud Guled Afrika.
Hadii aad i maqli karto waan kaaga sheekeyn lahaa Gadaashaa sida uu Dalka yahay, waxaan Daawadaa ama Dhegeystaa Jabka Khawaarijta.
Waxaa gadaashaa ku dhacay Hoog iyo Halaag, waxaana ku kacay Caruur iyo Ciroolle, waxa ay waayeen dhul baaxad wayn, waxaana gadaashaa laga diray Adduunka Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad aan tira lahayn!
Waa xanuunsadeen, waana ku kala duwanahay Rajjada Eebbe, waxaan Allah kaaga rajeynayaa oo aan magan u ahay Naxariistaada🤲🏻
Gadaashaada waxaa kacay Wariye-yaal aan ku Gaari doonin laakiin aan lumin Hadafkii aad soo billowday.
Erayo kuu dhigmo ma hayo Walaakeeyow balse Baaqi ayaad ku ahaan doonta Xasuustayda inta aan kaa Dambeeyo.
W/q: Abdukadir Isse
Comments
Post a Comment